Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Madoobe iyo Siciid Deni oo maanta ku soo wajahan Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynayaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland ayaa saacadaha soo socda ee maanta ku soo wajahan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Qaban-qaabada soo dhoweynta Axmed Madoobe iyo Siciid Deni ayaa waxaa saaka laga dareemayaa gudaha caasimadda, iyadoona si weyn loo adkeeyey ammaanka.

Labada hoggaamiye ee Jubbaland iyo Puntland ayaa socdaalkooda horey loo sii shaaciyey, kadib shir wada-tashi ah ee ay ku yeesheen gudaha magaalada Garoowe ee xarunta G/Nugaal, waxayna wada-hadallo gaar ah ay la yeelanayaan Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo, iyaga oo ka arrinsan doono doorashada 2020/21.

Beesha caalamka ayaa cadaadis xoogan ku saartay Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntaland inay yimaadaan Muqdisho, kadib markii ay iska diideen ka qeyb-galka shirka Dhuusamareeb 3, kaas oo lagu go’aamiyey nooca doorasho ee ka dhaceyso dalka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this