Sign in to follow this  
Deeq A.

Ibraahim Cabdimajiid “Garooje Wuu U Qalmaa Qabashada Xilalka Kala Duwan Ee Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya ”

Recommended Posts

Deeq A.   

Tan iyo markii hogaaminta uu ka tagay guddoomiyihii kooxda Elman Cabdirisaaq Faarax Cumar (Garooje) horaantii sanadkan 2020 waxaa warar kala duwan oo soo baxaya ay sheegayaan in mudane Garooje oo ka mid noqondoono musharaxiinta u tartamaysa hoggaaminta Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya ee 20202,waxaana talabadaas soo dhaweeyay saaxiibada iyo dadka ku dhaw isaga.

Sequence-19.00_00_56_22.Still001-1024x76

“Waa ku kalsoonahay qibrada iyo aqoonta dhinaca ciyaaraha ee Mr.Garooje,wuu ka soo bixi karaa maamulista xafiisyada kala duwan ee Xiriirka Kubbadda cagta dalka,tan waa talaabo uu horay u qaadan isaga iyo saaxiibada la shaqeeya,balse waxaan ka sugaynaa in uu hergeliyo hadafkiisa soo aadan” waxaa sidaas Goobjoog Sports u sheegay Ibraahim Cabdimajiid Axmed oo ka mid ah saaxiibada aad ugu dhaw guddoomiyihii kooxda kubbadda cagta Elman Cabdirisaaq Faarax Cumar  (Garooj(e.

Sequence-99.00_08_45_07.Still001-1024x76

Daawo Ibraahim Cabdimajiid Ayaa  Dhiiri-geliyay Go’aanka Guddoomiye Garooje

Sidoo Kale Aqriso Xog Ku Saabsan Waxqabadkii Guddoomiye Garooje

Muxuu Guddoomiyihii Hore Kooxda Elman Isku casilay

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this