Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo maanta isaga baxay degmada Ceeb-Buur

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta gabi ahaan  Al-Shabaab ay isaga baxeen degmada Ceel-Buur oo ka tirsan gobolkaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalyahanada Al-Shabaab ay faarujiyeen dhammaan fariisimihii ay ku lahaayeen magaaladaasi.

Arrintan ayaa ka dambeysay, kadib dhaq-dhaqaaqyo culus oo ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ay ka sameeyeen deegaano badan oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Ceel-Buur ayaa waxaa muddo ka talinayey Al-Shabaab, waana magaallo istaraatiiji ah oo ku taalla bartamaha Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayo halkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this