Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino ka soo baxay dagaallo ka dhacay duleedka Diinsoor

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Koonfur Galbeed oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Kolmaan oo 30 KM u jira degmada Diisoor ee gobolka Baay.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ciidamada huwanta ay weerar ku qaadeen goobo ay ku sugnaayeen dagaalyahanada, waxaana xigay iska hor imaad u dhexeeyey labada dhinac.

Mid ka mid ah saraakiisha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo u warramay warbaahinta ayaa sheegay in dagaalkaasi ay khasaare ku gaarsiiyeen Al-Shabaab, islamarkaana ay ka dileen illaa 2 xubnood, sidoo kalena ay ka dhaawaceen tiro kale.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dhankooda uusan soo gaarin wax khasaare ah, islamarkaana ay sii wadi doonaan howl-gallada ay ka wadaan hakaasi.

Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa dhaq-dhaqaaqyo milatari ka waday gobollada Baay iyo Bakool ee koonfurta Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this