Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur: Go’aannada Siyaasadeed ee Farmaajo ma dhaafsiisna dhismaha Villa Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   
9.png?resize=839%2C687&ssl=1

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo xalay Khudbad ka jeediyay Xarunta Cilm-baarista Puntland ee PDRC oo ku taalla Caasimadda Garoowe, ayaa sheegay in Soomaaliya weli aysan ka bixin Marxaladdii Ku meel-gaarnimada.

Hoggaamiye Cabdiraxmaan Cabdishakuur, wuxuu sheegay in Lixdii qodob ee as’aaska u ahaa in Soomaaliya ay ka baxdo Ku meel-gaarnimada, oo ku qornaa Axdigii CARTA aysan midna ka fulin, sidaasi darteedna uu Dalku weli ku jiro Marxalad ku meel-gaar ah.

Lixdaas qodob ayuu ku sheegay dhammaystirka Dastuurka, ka gudubka Nidaamka 4.5 ee Qabaliga ah, hirgelinta Doorasho qof iyo cod ah, dhismaha Ciidan Qaran, Xaqiijinta Amniga Dalka oo dhan iyo Bixitaanka AMISOM.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in Dowladda Soomaaliya ee haatan jirta ay weli AMISOM ku waardiyayso dhismaha Villa Somalia, islamarkaana aysan go’aannadeeda Siyaasadeed dhaafsiisnayn isku weerka Madaxtooyada Muqdisho.

Balse, wuxuu xusay in Madaxweyne Farmaajo isu haysto nin dowlad dhisan hoggaamiya oo Go’aannadiisu ka fuli karaan dhammaan Gobollada Dalka oo dhan.

Halkaan ka daawo Muuqaalkiisa

PUNTLAND POST

The post Cabdiraxmaan Cabdishakuur: Go’aannada Siyaasadeed ee Farmaajo ma dhaafsiisna dhismaha Villa Somalia appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this