Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir hore oo shaaciyey in  Musuq-maasuqa hadda ka jira Soomaaliya uu billaabay Farmaajo

Recommended Posts

Deeq A.   
Wasiir hore oo shaaciyey in  Musuq-maasuqa hadda ka jira Soomaaliya uu billaabay Farmaajo
 caynte.jpg

Wasiirkii hore qorsheynta Soomaaliya Cabdiraxmaan Caynte ayaa aaminsan in Madaxweyne Farmaajo aysan u furneen waddo uu ku diido musuq-maasuqa ka jira Soomaaliya.

Caynte wuxuu qabaa in madaxweynaha hadda talada haya uu yahay shaqsi kusoo baxay hanaanka is-dabamarinta iyo laaluush bixinta mar uu ka qeyb galayay kulan ay soo qaban-qaabiyeen hawlwadeenada Machadka Daraasaadka Hiigsi.

Wasiirkii hore wuxuu sheegay in Farmaajo uu laaluush ku bixiyay doorashadii lagu doortay horaantii 2017, sidaas darteed aysan muuqan sabab uu kula dagaalamo musuq-maasuqa.

Dhawaan ayey aheyd markii xukunno kala duwan lagu riday hawlwadeeno ka tirsanaa wasaaradaha caafimaadka, kalluumeysiga iyo warfaadinta kuwaas oo lagu eedeeyay musuq-maasuq.

“Waxaan arkay rag agaasimayaal ah oo loo heysto lacag ay ka dhaceen wasaaradda caafimaadka, ninka hogaamiya wadanka ayaa bilaabay, aniga waxaan rabaa in qofka uu isaga marka hore nadiif yahay, markaas ayuu wax diidi karaa,” ayuu yiri Caynte.

Dhanka kale Cabdiraxmaan Caynte wuxuu carabka ku dhuftay in xukuumadda hadda jirta ay ku fashilantay qeybo ka mid ah hirgalinta heshiiskii London, kuwaas oo ay ugu weyn yahiin dastuurka iyo cod bixinta.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this