Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Carbeed oo ku baaqay in dalkiisa qaato Nidaamka Calmaaniyadda !!

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne Carbeed oo ku baaqay in dalkiisa qaato Nidaamka Calmaaniyadda !!

 coon-1.jpg

Madaxweynaha dalka Lubnaan, Misheel Cawn, oo ka hadlay sanad guurada 100-aad ee ka soo wareegtay asaaskii Lubnaan ayaa ku baaqay in dalkiisa qaato nidaamka Calmaaniyada oo wax badan u tareysa sida uu tilmaamay.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Cawn in nidaamka Calmaaniyada uu yahay midka keliya ee xiligan lagu ilaalin karo isla markaana midnimo dhab ah looga hirgelin karo dalkaasi oo xaalad adag ku jira.

Madaxweyne Misheel Cawn, ayaa tilmaamay nidaamka awood qeybsiga diimaha ee dalkaasi looga dhaqmo uusan xiligan ku habooneyn uuna caqabad ku yahay horumarka iyo la dagaalanka musuq-maasuqa.

Dalka Lubnaan ayaa waxaa ka jira xiligan nidaam awood qeybsi dhanka diimaha ku saleesan, waxaana Madaxweynaha dalkaasi kasoo jeeda Masiixiyiinta Lubnaan ,halka Ra’isul Wasaarihii is casilay kasoo jeedo Muslimiinta sunniga , Afhayeenka Baarlamaanka ayaa isna kasoo jeeda Shiicada Lubnaan.

Madaxweynaha dalka Lubnaan ayaana hada wada olole xoogan uu ku doonayo in meesha laga saaro nidaamkan diimaha wax loogu qeybsado, waxa uuna ku taliyay in dalkaasi qaato nidaamka aan diinta ku saleesneen ee Calmaaniyada .

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this