Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Jubbaland oo howl-gallo ka sameeyey Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howl-gallo ballaaran oo saacadihii la soo dhaafay ciidamada Jubbaland ay ka sameeyeen magaalada Kismaayo ee gobolka J/Hoose.

Howl-galladan ayaa waxaa lagu soo qab-qabtay illaa 20 ruux oo isugu jira dad ka ganacsanayey Maandooriyaha iyo kuwa isticmaalayey.

Taliyaha Booliiska Kismaayo Warsame Axmed Rooble oo la hadlay Wariyeyaasha aya sheegay in u jeedka howl-galka uu yahay mid ay kula dagaalamayaan maandooriyaha.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daraya inay sii wadi doonaan, si loo xaqiijiyo amniga guud ee magaaladaasi.

Kismaayo oo xarun KMG u ah Jubbaland ayaa ka mid ah meelaha sida wey loo xoojiyey amnigeeda, waxaana ka howl-gallada ciidamada ammaanka ee maamulkaasi.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this