Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska Somalia oo su’aal galiyay xog dhanka amaanka ah oo ay faafisay Q/M

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa su’aal ka keenay xog ay qaramada midoobe ka faafisay arrimaha amaanka dalka, gaar ahaan weeraro ay geysteen dagaalyahanada Al-Shabaab.

Isbuucii hore ayey aheyd markii qaramada midoobe ay xog kasoo saartay arrimaha amaanka dalka iyo weerarada Al-Shabaab, waxeyna sheegeysaa in dagaalyahanada ay 1,591 falal amni xumo ah ka geysteen gudaha, kuwaas oo isugu jira qaraxyo iyo dilal qorsheysan, balse afhayeen u hadlay booliska oo la hadlayay tv-yada maxaliga ah ayaa beeniyay.

Gaashaanle Sadiiq Aadan Cali ayaa been abuur iyo wax laga badbadiyay ku tilmaamay xogta qaramada midoobe ee dhanka amaanka isagoo kasoo muuqday Tv-ga Universal.

“Xogta uu soo gudbinaayo qofka aan arrimaha shaqada ku laheyn, waxey abuureysaa tuhun la xiriira sida loo rumeysan karo, waxaana fiicnaan laheyd in wax laga weydiiyo qofka ku shaqada leh” ayuu yiri gaashaanlaha.

Inkastoo gaashaanlaha uusan soo bandhigin cadeymaha xog aruurintii ay iyagu sameeyeen, hadana wuxuu ku adkeystay iney arrimahaas yahiin kuwa xaqiiqda ka fog.

Warbixinta qaramada Midoobe waxaa lagu sheegay in saddexdii sano ee ugu dambeeyay ay xaaladda amni ee dalka kala xumeyd, 413 fal ayey ku sheegeen sanadkii 2017, halka wadar ahaan 2018 iyo 2019 la diiwaangaliyay 740 kiis oo amni darro.

Sanadkaan dabayaaqada sii galaya waxey warbixinta sheegtay in la geystay 430 falal amni darro, taasoo ka dhigan in falalka amni darro uu sanadkaan sare u kac xoogan sameeyay.

Antonio Gutteres oo ah xoghayaha guud ee qaramada midoobe ayaa golaha amaanka la wadaagay warbixin dhameystiran oo la xiriirta xaaladaha amni ee Soomaaliya iyo weeraradii ay qaadeen kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida.

The post Booliska Somalia oo su’aal galiyay xog dhanka amaanka ah oo ay faafisay Q/M first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this