Sign in to follow this  
Deeq A.

Sanbaloolshe: Nabad iyo Nolol iyo Madasha Xisbiyada Qaran waa isku milmeen

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore sirdoonka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa rumeysan iney mudooyinkaan dambe isku milmeen madasha xisbiyada qaran uu ka tirsan yahay iyo kooxda Nabad iyo Nolol sida uu ku sheegay wareysi uu siiyay warbaahinta maxaliga ah.

Sanbaloolshe ma taageersana wixii kasoo baxay shirkii dhuusamareeb wajigiisa saddexaad taasoo ay soo dhaweeyeen madasha xisbiyada qaran, wuxuuna aaminsan yahay iney tahay jahawareerin lagu sameynayo dadka si loo helo muddo kororsi.

“Waan ka xumahay inaan sidaan dhaho, maalmahaan dambe madasha iyo nabad iyo nolol waxaa muuqata iney meelaha qaar isaga milmeen, aniga fikirkeyga waa gaar, dad badan oo xisbiga igala tirsan ayaa ila qaba” ayuu yiri Sanbaloolshe.

Sanbaloolshe oo mar safiir kasoo noqday Turkiga ayaa dareensan in xaaladdaha amni darro ee wadanka badankiis ka jirta, qatarta ay leedahay kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida iyo heshiiska la sheegay ee ku saleysan deegaanka aysan is waafaqi karin.

Kaliya wuxuu xusay in deegaanada Puntland ay ka dhici karto, wuxuuna qabaa fikir ah in bulshada lagu jahawareerinayo.

Sanbaloolshe wuxuu ka tirsan yahay xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka uu hogaamiye ka yahay Xasan Shiekh Maxamuud, si guudna wuxuu kaga tirsan yahay madasha xisbiyada qaran uu hogaanka guud u hayo Sheikh Shariif Sheikh Axmed.

Hadalka sanbaloolshe ayaa kusoo aadaya xilli aan wali la saleynin xaaladda kala guurka uu wadanka ku jiro iyo iyadoo madaxweynaha uusan muddo 30 maalmood ah magacaabin ra’isul wasaare badal u noqda Xasan Cali Kheyre.

The post Sanbaloolshe: Nabad iyo Nolol iyo Madasha Xisbiyada Qaran waa isku milmeen first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this