Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciladii qabsatay diyaaradda Turkish Airlines ee maanta lagu soo celiyay Muqdisho oo faahfaahin laga bixiyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Mid ka mid ah diyaaradaha shirkadda Turkish Airlines ayaa dib loogu soo celiyay garoonka Aden Adde International Airport kadib muddo ay hawada ku jirtay.

Diyaaradaan ayaa ka duushay magaalada Muqdisho si ay u gaarto magaalada Istanbul, balse nasiib xumo waxey haleeli weysay xiriirka Turkiga, taas badalkeedana waxey go’aansatay iney dib ugu soo noqoto halkii ay ka kacday maadaama ay heshay xiriirka hogaanka duulimaadka iyo Socdaalka Soomaaliya.

Sarkaal ka tirsan waaxda socdaalka Soomaaliya oo ku sugan garoonka Aadan Cadde ayaa sheegay in la xaliyay cilladii heysatay isla markaana ay duulimaadkeed sii wadan doonto.

Tan iyo sanadkii 2011 ayey diyaaradaha shirkadda Turkish Airlines isticmaalayeen hawada Soomaaliya, waana markii ay dowladda Turkiga ogolaadeen iney dhan walba ka taageeraan Soomaaliya.

The post Ciladii qabsatay diyaaradda Turkish Airlines ee maanta lagu soo celiyay Muqdisho oo faahfaahin laga bixiyay first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this