Sign in to follow this  
Deeq A.

“Waxa Natiijo La’aan Ku Dhammaaday Wada-hadaladii Muddo-ba Lagu Raadinaayay In Shirkadda Fly Dubai Iyo Air Arabia Ay Hargeysa Dib Ugu Duulaan Xanibaaddii Corona Ka Dib, Madaxweyne Muuse Oo Dano Qoys (Family Interest) Ku Leh Diyaaradda Itoobiya Oo Ay Wakii

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Aqoonyahan Maxamed Haaruun Biixi ayaa shaaciyay in natiijo la’aan ay ku soo dhammaadeen wada-hadallo u socdo xukuumadda Somaliland iyo shirkaddaha diyaaradaha ee Fly Dubai iyo Air Arabia.

Aqoonyahan Maxamed Haaruun Biixi ayaa qoraal kooban oo ku baahiyay barta uu ku leeyahay Facebook waxa uu ku yidhi “Kama dambays waxa natiijo la’aan ku dhamaaday hadaladii mudoba lagu raadinaayay in shirkadda Fly Dubai iyo tan Shaariqa ee Air Arabia ay Hargeysa dib uGu duulaan xanibaaddii Corona ka dib. Madaxweyne Muuse oo dano qoys (family interest) ku leh duulimaadada diyaaradda Itoobiya oo ay wakil u yihiin ayaa hadda fursad bilaa tartan ah ku hasan doonta duulimaadada Somaliland iyo caalamka kale, oo duulimaadadii Dubai ay ku jiraan. Wiilkii wakiilka u ahaan jiray Fly Dubai iyo Air Arabia dadaal badan buu sameeyay si tan looga fursado. Sharci la adeegsado marka ay sidan oo kale tahay ma Jiro, hadii uu Jiro na, ma shaqeeyo. Sidaas darted, wiilku waxa uu adeegsaday xeeladihii iyo xadhkihii reernimada oo ah waxa keliya ee inta badan shaqeeya, ma se u shaqaynin Cumar. Dahabshiil, Saleebaan-guurti, Kaahin iyo gebi ahaanba salaadiinta beesha ayaa keli-keli iyo koox-koox ba amuurtan uga hawl galay si ay Muuse u qanciyaan, ma se dhicin. Dhamaantood jawaab aad u kooban oo afar xaraf ka kooban (Maya) buu siiyay, nin kastaana wuu iska tegay.” Ayuu ku yidhi qoraalkiisa Maxamed Haaruun Biixi oo ay xiganayso Shabakadda Somalilandtoday

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this