Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasaaraddaha Iyo Hay’addaha Dawladda Ee Khilaafaadku Hadheeyeen Muddadii Madaxweyne Muuse Biixi Talada Hayey

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi oo muddo saddex sanno oo ay xilka haysay madax la sii gelaysa, ayaa waxa muddadaasi ka dhex jiray masuuliyiinta Wasaaraddaha iyo Hay’addaha dawladda ee Madaxweynuhu magacaabay khilaafyo kala duwan oo ka dhashay shaqada ay qaranka u hayaan.

Khilaafydan oo saameeyey hawlaha shaqo ee Wasaaraddaha iyo Hay’addaha Dawladda, ayaa waxa ay inta badan ka dhex alloosmeen Wasiirradda iyo Agaasimeyaasha Guud iyo weliba madaxda Hay’addaha dawladda, kuwaas oo qaarkood isfaham lagu dhameeyey, halka kuwo kalena keeneen in xilalka laga qaado masuuliyiinta is qabatay qaarkood, iyada oo kuwo kalena weli kala laalaadaan.

Haddaba waxa aanu halkan idinku soo gudbinaynaa Wasaaraddihii iyo Hay’addihii dawladda ee khilaafku hadheeyey muddadii uu xilka hayey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

1-Khilaafkii Wasaaradda Warfaafinta ee dhex maray Wasiirkii Wasaaraddaasi Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax Guribarwaaqo, ee aakhirkii galaaftay Agaasimihii Guud ee Wasaaraddaasi Cali Maxamed Cali (Cali Caliyow)
2- Khilaafkii Wasaaradda Jidadka iyo Waddooyinka ee u dhexeeyey Wasiirka Wasaaraddaasi Cabdillaahi Abokor iyo Maareeyihii Hay’adda Waddooyinka, waxaanu khilaafkaas sababay in xilka laga qaado Maareeyihii Hay’addaasi
3- Khilaafkii Komishanka AIDs-ka ee u dhexeeyey Agaasimihii fulinta ee Komishankaas iyo xubno ka mid ahaa Komishankaasi, waxaanu aakhirkii khilaafkaasi keenay in xilalkii Madaxweynuhu ka qaado Agaasimihii Fulinta Naasir Ayjeex iyo Agaasime Waaxeed kale Maxamed Abiib.
4- Khilaafkii Komishanka Maamul Wanaagga ee u dhexeeyey Guddoomiyaha Guddidaas iyo xubnaha Guddidaas qaarkood, kaas oo keenay in xubnaha guddidu xilkii ka qaadaan Guddoomiye Axmed Jaamac.
5- Khilaafkii Wasaaradda Biyaha ee u dhexeeyey Wasiirkii Wasaaraddaasi laga beddelay ee Saleebaan Cali Koore iyo Agaasimihiisii Jamaal Muuse, waxaanu khilaafkaasi xal looga dhigay in Agaasimihii Guud loo beddelo Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Distuurka.
6-Khilaafkii Wasaaradda Shaqo gelinta iyo Arrimaha Bulshada, waxaanu khilaafkani ka dhexeeyey Wasiirka Wasaaraddaasi Marwo Hinda Jaamac Gaani iyo Agaasimihii Guud ee Wasaaraddaasi Maxamed Aadan, waxaanu khilaafkaasi keenay in xilkii laga qaado Agaasimihii Guud ee Wasaaraddaasi
7-Khilaafkii Hay’addaha Barakacayaasha iyo Qaxoontiga ee u dhexeeyey Guddoomiyaha Hay’addaasi Cabdikariim Xinif iyo Kuxigeenkiisii Khadar Cabdillaahi Cali Jowhar, kaas oo aakhirkii keenay in xilkii laga qaado Guddoomiye kuxigeenka.
8- Khilaafkii Hay’adda Dhawrista Tayada ee u dhaxaysay Guddoomiyaha Hay’addaasi Muuse Yuusuf iyo Kuxigeenkiisii Amal Cabdi Xasan, waxaanu khilaafkaasi keenay in xilkii laga qaado Haweenaydii kuxigeenka ka ahayd Hay’addaasi
9-Khilaafkii Wasaaradda Waxbarashada Somaliland ee u dhexeeyey Wasiirkii Wasaaraddaasi iyo Agaasimaha Guud oo isku dhinac ahaa iyo Wasiir Kuxigeenkii Wasaaraddaasi Maxamed Daahir, waxaanu khilaafkani keenay in xilka laga qaado Wasiir Kuxigeenka Wasaaraddaasi.
10- Khilaafkii wasaaradda Qorsheynta ee u dhexeeyey Wasiirkii xilka laga qaaday ee Wasaaraddaas Cawaale shirwac iyo Agaasimihii Guud ee wasaaradaasi Cabdi Cali, kaas oo keenay in aakhirkii Agaasimihii guud ee Wasaaraddaasi.

Marka laga yimaado Khilaafyada aynu ka soo hadalnay oo iyagu keenay in ay masuuliyiin xilalkooda ku waayaan, halka kuwa kale laga beddelay Wasaaraddihii ay hore u joogeen, waxa iyagana jira Wasaaraddo iyo Hay’addo kale oo kuwa dawladda ah oo khilaafyadii ka dhex jiraan, inkasta oo aanu khilaafkoodu dibedda u soo waxa bixin, waxaana ka mid ah Wasaaraddaasi Wasaaradda Qorsheynta, Wasaaradda Warfaafinta, Wasaaradda Shaqo gelinta iyo Arrimaha Bulshada iyo Wasaaradda Caddaaladda oo iyadu ah tii u dambaysay ee khilaafkeedu dibedda u soo baxo, isla markaana Wasiirka Wasaaraddaasi iyo Agaasimaha Guud Qoraallo kala duwan isweydaarsadeen.

Khilaafyada kala duwan ee muddadii Madaxweyne Biixi xilka hayey ka dhex jiray wasaaraddaha, ayaa waxa ay asalka u hayaan awooddaha iyo waajibaadka ay leeyihiin masuuliyiintani oo midba kale ku eedeeyey inuu ku xadgudbay.
Waxyaabaha kale ee loo aanaynayo khilaafyada ayaa ah maamulka mashaariicaha wasaaradduhu gacanta ku hayaan, Shaqaaleysiin dad ay iyagu wataan, maamulka Miisaaniyaddaha Wasaaraddaasi, Shidaalka iyo kala shaki soo kala dhex gala masuuliyiintan.

Khilaafyadan, ayaa qaarkood waxa ay saameyn ku yeesheen habsami u socodka Hawl maalmeedka Wasaaraddaha iyo Hay’addaha Dawladda.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this