Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay aheyd sababtii xil-ka looga tuuray Xasan Cali Khayre?

Recommended Posts

Deeq A.   

Tan iyo markii xil-ka laga tuuray 25-kii bishii Juy ee sanadkan Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Khayre ayaa waxaa isa soo taraya macluumaadka laga helayo sababtii loo riday, kadib markii ay si lama filaan ah kalsoonida ugala noqdeen Golaha Shacabka.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in sababta meesha looga saaray Khayre ay lahaayeen Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland oo rabay inay is-baheysi xoogan la sameytaan si loo kala dhan-taalo awooda madaxda dowladda Soomaaliya, taas oo keentay in baarlamaanka Soomaaliya uu ceriyo Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka.

Eng. Xasan Sahal Xasan oo ah falanqeeye arrimaha siyaasadda ayaa Shabelle u sheegay in sababta ay Axmed Madoobe iyo Deni uga qeyb-geli waayeen shirkii Dhuusamareeb 3 ay tahay inay dhabar-jab aan la fileyn ay ku noqotay riditii R/wasaare Xasan Cali Khayre.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo maanta shir xasaasi ah ay Muqdishio ku leeyihiin Axmed Maoode, Siciid Deni iyo Madaxdaweynaha Soomaaliya, wuxuuna kulankaan qabsoomayaa xilli aan weli la magacaabin R/wasaarihii bedali lahaa Khayre

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this