Sign in to follow this  
Deeq A.

Aabe wiilkiisa ku gowracay Jowhar oo gacanta lagu dhigay

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada ammaanka magaalada Jowhar ayaa maanta gacanta ku soo dhigay Aabe Maxamed Deeyow oo la sheegay in xalay wiil uu dhalay uu ku dilay magaaladaasi.

Marxuumka oo xalay abaare 9:30 PM lagu gowracay agagaarka jinga Webiga Shabelle ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Xasan Maxamed Deeyow.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in muddooyinkii u dambeeyey uu khilaaf dhanka familka u dhexeeyey Aabaha iyo wiilkiisa, taas oo dhalisay dhacdadan aragagaxa leh.

Afhayeeka ciidanka Booliiska HirShabelle oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in sidoo kale gacanta lagu dhigay afar ruux oo kale, kuwaas oo ay ku socdaan baaritaano dheeri ah.

Falkan oo si weyn looga hadal hayo magaalada madaxda HirShabelle ee Jowhar ayaa argagax weyn ku reebay dadka deegaanka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this