Sign in to follow this  
Deeq A.

Mahdi Guuleed oo kulan la qaatay khubaro xagga dhaqaalaha ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna siihayaha xilka Ra’iisal wasaaraha dalka      Md. Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta kulan la qaatay qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Wasaaradda maaalityadda iyo Khubaro xagga dhaqaalaha ah.

Intii uu kulanka socady ayay mas’uuliyiinta ka wada hadleen sida loo horumarin karo nidaamka maamulka maaliyadda  dalka iyo dowlad wanaagga.

“Waxaan maanta warbixin ku saabsan xaaladda dib u habeynta dhinaca dhaqaalaha ee dalka ka dhageystay wasiirrada ku shaqada leh iyo khubaro. Waxaan si aad ah uga shaqeyneynaa xoojinta dhaqaaleheenna, horumarinta nidaamka maamulka maaliyadda ee qaranka iyo dowlad wanaagga. Waxaa naga go’an in aan xaqiijinno guul dhaqaale iyo maaliyadeed oo dalkeennu gaaro.” ayuu yiri Mahdi Maxamed Guuleed.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this