Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo la kulmay Francisco Madera

Recommended Posts

Deeq A.   
3-17.jpg?resize=593%2C395&ssl=1

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad  Goboleedka  Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Madaxa Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM Francisco Madera.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa lagu sheegay in labada mas’uul ay ka wada hadleen Xiriirka AMISOM iyo  Galmudug  iyo qodobadii kasoo baxay shirkii Dhuusamareeb 3 ee Arrimaha Doorashada Soomaaliya.

Sidoo kale Qoraalka waxa lagu sheegay in Mudane Ciid uu mas’uuliyiinta AMISOM  kala hadlay sidii loo xoreyn lahaa Dgaanadda Galmudug ee ay haystaan Al-shabaab islamarkaana Galmudug looga gacan-siin lahaa Amniga.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo la kulmay Francisco Madera appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this