Sign in to follow this  
Deeq A.

Mudaharaaddo ka dhashay kitaab qur’aan ah oo la gubay

Recommended Posts

Deeq A.   

Rabshadaha ayaa ka dhashay nuqul kitaab Qur’aan ah oo lagu gubay xaafada Rosengård, halkaas oo ay ku badan yihiin dad ka soo galootiga ah ee dalkaasi ku aan u dhalan.

Jimcihii hore ayay bilaysku ka horjoogsadeen siyaasiga midigta ee Dhaanishka ah ee Rasmus Paludan inuu ka soo qaybgalo bandhig ahaa gubitaanka kitaabka qur’aan ah.

Taageerayaashiisa ayaa se hawshoodii hore isaga sii watay. Sida oo kale waxa la soo tebiyey in la arkay saddex nin oo nuqul Qur’aanka ah ku dhex tuuraya meelo fagaare ah.

Booliska Sweden ayaa Mr Paludan dib ugu celiyey xadka, iyagoo sheegay inuu jiro ganaax labo sano ah oo uusan soo geli karin dalkan.

Madaxa xisbiga midigta-fog ee Stram Kurs (Hard Line) xisbiga ayaa hal bil oo xarig ah loogu xukumay dambiyo badan oo uu ka mid yahay cunsuriyad ka dhacday Denmark horaantii sanadkan.

Waxaa lagu xukumay inuu soo dhigo muuqaallo lid Islaamka ku ah barahiisa bulshada.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this