Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: Maxaa Looga Hadlay Kulankii Golaha Wasiirrada Puntland?

Recommended Posts

Deeq A.   

Kulanka Golaha Wasiirada Puntland oo uu shir guddoominayay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland mudane Siciid Cabdullaahi Dani ayna soo xaadireen Dhammaan Wasaaradda kala duwan ee Puntland iyo hay’adaha dowliga ah ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah.

Qodobada ugu muhiimsan ee shirka asbuuclaha ah ee Golaha Wasiirada Puntland looga hadlay waxaa ka mid ah xaaladaha Amni ee Puntland, hanaanka Dimuqraadiyada ee asxaabta badan, Dhamaystirka Golayalaasha deegaanka qaybo ka mid ah degmooyinka Puntland iyo xal u helida xaaladda Ayaxa ee ku habsaday inta badan dhul daaqsimeedkii deegaannada Puntland.

Golaha Wasiirada Puntland ayaa waxay ansixiyeen Xeerarka isgaarsiinta Puntland oo ay muddo ka soo shaqaynaysay Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta Hidaha iyo Dhaqanka Puntland sida uu warbaahinta u sheegay Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Dabaraani.

Wasaaradda Maaliyada Puntland ayaa Golaha Wasiirada horgeysay qorshe la doonayo in hay’adaha dowladda loogu sameeyo koonto Guud oo ka wada dhaxaysa, qaybna ka noqonaysa hannaanka la dagaallanka Musuq Maasuqa iyo wax is daba marinta.1-27.jpg 2-25.jpg 3-25.jpg 4-27.jpg 5-21.jpg

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this