Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya oo guddoomiyay shir muhiim ah+Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Siihayaha Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha JFS Mudane Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, ayaa maanta guddoomiyey shir loogga doodayey sharciga Laysimada Ganacsiga oo muddooyinkii dambe ay gacanta ku haysay Wasaaraddu sidoo kalena soo maray maraaxil kala duwan oo iskugu jira la-tashiyo laga la soo sameeyey ganacsatada, sharci-yaqaanada iyo hay’adaha dawladda.

Shirkan oo ay ka soo qeyb-galeen La-taliyeyaasha iyo Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda, ayaa ugu horreyn, waxa aad loogga ga dooday qodobo ka mid ah sharcigaasi oo muhiim ah kuwaas oo ay mas’uuliyiinta Wasaaraddu ka talo-bixiyeeen. Waxa kale oo halkaas la isku raacay in maadaama uu sharcigu dhammeystiran yahay si deg-deg ah loo saxar-tiro  loona gudbiyo Golaha Wasiirada XFS si marka dambe na looggu gudbiyo Baarlamaanka Soomaaliya.

Sharcigan, ayaa ahmiyad weyn u leh ganacsiga, waxaana uu rasmi ka dhigayaa Ganacsiga iyada oo uu kor-u-qaadayo kalsoonida macaamilka. ilaalinta xuquuqda macaamilka iyo danta ganacsatada iyo macaamilkooda. Sidoo kale, wuxu ka hor-tagayaa in laga ganacsado cunto, alaab, badeeco ama daawo dhacday, halawday ama la dhalan-rogay.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

118557140_2698070300432697_6405833053203

118540404_2698070913765969_4833486126279 118542333_2698070860432641_7160166174886 118564244_2698070700432657_2544431838800 118686061_2698070567099337_5089820765506

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this