Sign in to follow this  
Deeq A.

MAREYKANKA oo qaaday tallaabo uu ku ciqaabayo Ethiopia sababo la xiriira xiisada kala dhaxeysa Masar

Recommended Posts

Deeq A.   

Washington (Caasimada Online) – Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa asnixiyey qorshe lagu hakinayo kaalmada dibadeed ee Mareykanka uu siiyo Ehiopia, sababo la xiriira muranka dalkaas kala dhaxeeya Masar iyo Sudan ee la xiriira biyo-xireenka ay ka sameyneyso webiga Nile, waxaa sidaas weriyey wargeyska Foreign Policy.

Ciqaabtan ayaa waxay saameyneysaa qiyaastii 130 milyan oo dollar oo ah kaalmada dibedda ee Mareykanka uu siiyo Ethiopia, waxaa sidaas wargeyska Foreign Policy u sheegay sarkaal Mareykan ah.

Sarkaalka ayaa sheegay in tani ay saameyn karto kaalmada amniga, ka hor-tagga argagixisanimada iyo tababarka miltariga iyo mashruucyo kale.

Si kastaba, kaalmda la hakiyey kuma jirto midda arrimaha bani’aadanimo ee deg degga ah, kaalmada cuntada iyo barnaamijyada daryeelka caafimaad ee looga gol leeyahay la-tacaalidda cudurka COVID-19 iyo HIV/AIDS.

Sida uu qoray wargeyska Foreign Policy, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa saaxiib dhow la ah madaxweynaha Masar Abdel-Fattah Al-Sisi, waxaana saraakiisha Ethiopia ay ku eedeeyeen inuu dhinac la saftay.

Mid ka mid ah saraakiisha Mareykanka ayaa u sheegay Foreign Policy “Weli waxaa la sameyn karaa horumar, waxaana jirta waddo furan. Doorka Mareykanka waa inaan gacan ka gaysanaa fududeynta heshiis dhex-mara saddexda wadan oo miisaamaya danaha mid kasta.”

Foreign Policy waxa uu weriyey in Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ay Khamiisti ku wargelisay Congress-ka Mareykanka go’aanka ka dhanka ah Ethiopia.

Masar, Sudan iyo Ethiopia ayaan weli heshiis ka gaarin buuxinta biyo-xireenka ay Addis Ababa dhiseyo, taasi oo labada dal ee Masar iyo Sudan u arkaan halis amni, si gaar ahna Masar oo in ka badan 90% dadkeeda ay ku tiirsan yihiin biyaha webiga Nile.

The post MAREYKANKA oo qaaday tallaabo uu ku ciqaabayo Ethiopia sababo la xiriira xiisada kala dhaxeysa Masar first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this