Sign in to follow this  
Deeq A.

Odayaal ka socday beesha Hawiye oo maanta loo diiday inay u safraan Hargeysa iyo sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaal dhaqan oo ka oscday beelaha Mogadishu Clan, isla markaana uu hoggaaminayey Nabadoon Maxamed Xasan Xaad ayaa loo diiday maanta inay gaaraan deegaanada Somaliland, ayada oo lagu celiyey garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

Odayaashan ayaa ku wajahnaa magaalada Hargeysa, balse diyaaradii ay ka raaci la haayeen Muqdisho ayaa ku war gelisay in Somaliland ay uga digtay inay soo qaado, sidaas darteedna aysan qaadi karin.

Mid ka mid ah odayaashaas, Muxiyaddiin Xasan Afrax oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay Hargeysa u aadayeen xalinta dhib ay geysteen dhilinyaro kasoo jeeda Mogadishu Clan oo ku xiran Hargeysa.

Muxiyaddiin Xasan Afrax waxa uu sidoo kale sheegay in dadka uga xiran Hargeysa qaarkood ay xabsiyadii lagu xukumay dhameysteen.

“Anaga seddax nin oo meesha ku xiran ayaan xalkooda u soconay oo mid kamid ah isagoo xabsi ka baxsana askari dilay, waxaana dooneynay arintaas inaan kala xaajoono reerka askarigii dhintay,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay safarkooda Hargeysa ku wargeliyeen odayaasha dhaqanka iyo duubabka reer Somaliland ee arrintaasi ay khuseyso.

Hoos ka Daawo

The post Odayaal ka socday beesha Mogadishu Clan oo maanta loo diiday inay u safraan Hargeysa iyo sababta first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this