Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaali Ka Cadhooday Fal Lagu Gubay Kitaabka Qur’aanka Oo Qirtay Inuu Ka Dambeeyey Kaniisado Lagu Gubay Dalka Norway

Recommended Posts

Deeq A.   

Nin Soomaali oo ka cadhooday fal lagu gubay Kitaabka Qur’aanka oo qirtay inuu ka dambeeyey Kaniisado lagu gubay dalka Norway.

Nin Soomaali ah ayaa la sheegay inuu falkaasi u geystay kadib, markii Koox Islaam-nacayb oo ka dhisan dalkaasi ay Kitaabka Qur’aanka Kariimka ku gubeen magaalladda Kristiansand ee dalkaasi dabayaaqadii sanadkii hore.

Lars Rune Ringvik oo ka mid ah Dacwad-oogayaasha dalka Norway waxa uu sheegay inuu Ninka Soomaaliga qirtay inuu dab qabadsiiyey Laba Kaniisad oo ku kala yaalla Magaallooyinka Dombås iyo Sel.

Warbaahinta NRK ee dalka Norway waxay shaacisay inuu Ninka Soomaaliga mas’uul ka ahaa dabka la qabadsiiyey Kaniisadahaasi kadib, markii la sameeyey baadhitaano Dheecaanka Hiddo-sidaha ee DNA-da iyo astaamaha Farihiisa laga helay Kaniisadaha

Warbaahinta dalkaasi waxay kaloo sheegeen in Kaniisadda Dombås ee la gubay uu soo gaadhay Khasaare lagu qiimeeyey 20 million ee Lacagta Koronka Norway oo u dhiganta 2.2 million o Dollar.

Nin Soomaaliga ee lagu helay falkaasi oo sanadkii 2015-kii iska dhiibay dalka Sweden waxa uu tilmaamay inuu falkaasi geystay, kadib, markii uu Telefishinada Norway ka arkay dad gubayey Kitaabka Qur’aanka Kariimka, taasina ay ku dhalisay inuu aargoosi ahaan u gubo labada Kaniisad.

Waxa uu intaasi ku daray inuu yahay Muslim, raallina ka ahayn in lagu xad-gudbo Diintiisa, wuxuuna dhanka kale xusay inuu xushmeeyo Diimaha ay dadka kale rumeysan yihiin.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this