Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhismaha maamulka cusub ee HirShabelle oo si rasmi ah loo guda galay (Aqriso)

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online) – Qorshaha dhismaha maamulka cusub ee HirShabelle ayaa si rasmi ah u billowday, waxaana ugu horreyn doona soo xulista xildhibaanada baarlamanka cusub ee maamulkaas uu yeelan doono.

Madaxweynaha HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xalay magacaabay Guddiga Farsamada ee soo xulista Baarlamanka labaad ee HirShabelle, kaasi oo marka lasoo dhiso soo dooran doona madaxweynaha cusub ee HirShabelle, xilli uu dhammaad ku dhow yahay waqtiga Waare.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweyne Waare ayaa lagu magacaabay Guddiga Farsamada oo ka kooban 11 xubnood, waxaana Guddoomiye looga dhigay Cusmaan Maxamed Mukhtaar.

HirShabelle ayaa wajahaysa loolan la mid ah kii Galmudug, waxaana wararka ay sheegayaa in Waare ay u badan tahay inuusan soo laaban, ayada oo dowladda federaalka ay qorsheyneyso inay keensato madaxweyne ku xiran.

Dhowaan ayaa magaalada Jowhar la geeyey qaar ka mid ah ciidamada Danab, waxaana jiray warar sheegayey in loo adeegsan doono doorashada, balse markii dambe la sheegay inay sababo amni u tageen magaalada.118308925_3194704347251741_7328796234728

 

The post Dhismaha maamulka cusub ee HirShabelle oo si rasmi ah loo guda galay (Aqriso) first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this