Sign in to follow this  
Deeq A.

Galmudug oo ka hadashay muranka ka taagan masaajida Guriceel

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka amniga dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Macallin Fiqi oo wareysi gaar ah siiyey Shabelle ayaa ka hadlay Masaajidada xiran ee ku yaalla deegaanada maamulkaasi, gaar ahaan magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Fiqi ayaa sheegay in marka hore ay baaris ku sameyn doonaan waxa dhaliyey in la xiro goobahaasi loogu tala-galay in lagu cibaadeysto, kadibna ay la fariisan doonaan  dhinacyada isku haya, gaar ahaan dadka diidan iyo kuwa raba in la furo Masaajidadaas oo horey ugu xirmay dagaalladii gobollada dhexe ku dhex-maray Ahlu Sunna  Wal-Jamaaca iyo Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ka wasiir ahaan uu isagu jelaan lahaa in la furo goobahaasi, si loogu cibaadeysto.

Axmed Macalin Fiqi oo hadakiisa sii wata ayaa xusay in Madaxweynaha Galmudug  uu dhowaaan amar buuxa ka soo saari doono arrintaasi, kadibna la fulin doono.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo muddooyinkii la soo dhaafay ay sii  xoogeysaneysay dooda ka taagan dib u furida masaajidadaas oo ay xireen hoggaanka Ahlu Sunna Wal-Jamaaca ee ka talinayey gobollada Dhexe, waxaana arrintu ay si aad ah uga sii dartay markii Ahlu Sunna meesha laga saaray.

Guriceel waxaa sidoo kale ka dhacay dibad-baxyo iska horjeeda oo ay dhigeen dadka deegaanka oo qaarkood dalbanayey in la furo masaajida, halka kuwa kelana ay ka soo horjeedeen arrintaasi, taas oo sababtay in ciidamo la geeyo magaaladaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this