Sign in to follow this  
Deeq A.

Faarax Sheekh C/qaadir oo ka digay muddo kororsi hor leh

Recommended Posts

Deeq A.   

Soomaaliya marka la soo gaaro gaba-gabada muddada xil-heynta afarta sano ee hay’adaha dastuuriga dowladda Soomaaliya waxa dhasha walaac iyo hadal heyn badan oo ku aadan sida ay u socdaan arrimaha siyaasadda dalka waxa  inta badan la’is weydiiyaa nooca doorashada, qaabka ay u dhaceyso xilliga lagu qaban karo iyo fursadaha la heysto in doorasho la’isku waafaqsan yahay in dalka ay ka dhacdo.

Dowladda Soomaaliya waxa ay si cad u sheegtay in doorashada waqtigeeda ay ku dhaceyso iyo in wada-tashi la geliyo nooca doorasho ee la qabanayo.

Faarax Sheekh Cabduqaadir oo ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, basle siyaasad ahaan dhaliilsan xukuumada hadda jirta ayaa qabaa in waqtigii loo baahnaa in lagu dhammeystiro soo diyaarinta sharciga doorashooyinka in laga dib dhacay, wuxuuna tilmamay in baarlamanka uu hadda ka tirsan yahay kii ka horreeyey ay isla qaaten in la dhammeystiro sharciga doorashada sanadii 2017-kii basle xukuumadda ay ka soo dib dhacday in muddadaasi ay ku soo diyaariso baarlamaanka 10-aad ee hadda jirana ay u soo gudbisay bishii may 2019-kii, 30 bilood kadib sharcigaasi oo ahaa mid weliba la’isku diidan yahay, sida uu hadalka u dhigay

Dhinaca kale Faarax Sheekh Cabduqaadir oo u warramayay barnaamajika Garnaqsi ee Shabelle TV ayaa waxa uu soo hadal qaaday, sida xukuumadda federaalka ay ku wajahday xiriirka wada-shaqeyn ee u dhaxeeyo maamul goboledyada iyo dowlada dhexe, isagoona carabka ku adkeeyay in si awood maquunis ah loola tacaamulay maamul goboledyada dalka.

 

Ugu dambeyntii Xildhibaan Faarax Sheekh Cabduqaadir ayaa soo hadal qaaday, sida xal siyaasi ah lagu gaari karo ay tahay in dowladda ay wada-hadal la furto dowlad goboleedyada iyo saamileyda siyaasadeed ee dalka, si loogu heshiiyo doorashada 20/21.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this