Sign in to follow this  
Deeq A.

Aweys oo Maraykanka ugu baaqay in uu raali-gelin iyo magdhow deg deg ah ka bixiyo hogaamiye uu ka dilay Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Wadaadka lagu magacaabo Xassan Daahir Aweys, oo u xiran Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa si adag uga hadlay dilka hoggaamiye ka tirsan Al-shabaab , oo ku dhintay duqayn ka dhacday Koonfurta Soomaaliya.

Sheekh Cabdulqaadir Cismaan Yaroow ( Kumaandoos), oo kamid ahaa Hoggaamiyaasha Sare ee Al-shabaab, ayaa maalmo ka hor lagu dilay weerar ay fuliyeen Diyaaradaha aan Duuliyaha lahayn ee Maraykanka, kaas oo ka dhacay Gobolka Shabeellada Hoose.

Muuqaal laga soo duubay Xassan Daahir Aweys, oo lagu faafiyay Warbaahinta Al-shabaab, ayuu si kulul ugu cambaareeyay dilka Cabdulqaadir Kumaandoos, oo uu ku tilmaamay mujaahid ku shahiiday gacan ka xaq-daran oo gaalo.

Sheekh Aweys, wuxuu Maraykanka ka dalbaday in uu raalli-gelin iyo magdhow deg deg ah ka bixiyo dilka Kumaandoos.

Sidoo kale, wuxu wacad ku maray in dhakhso loogu aar-gudi doono Hoggaamiye Kumaandoos, islamarkaana jawaabta laga bixiyo ay noqon doonto mid laga sheekeeyo Qarniyada soo socda.

Hoos ka daawo Hadalka Xassan Daahir

PUNTLAND POST

The post Aweys oo Maraykanka ugu baaqay in uu raali-gelin iyo magdhow deg deg ah ka bixiyo hogaamiye uu ka dilay Al-shabaab appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this