Sign in to follow this  
Deeq A.

Qoor-Qoor oo furay Kalfadhiga 2-aad ee baarlamaanka Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa xalay furay Kalfadhiga labaad ee baarlamaanka maamulkaasi, kadib munaasabad ballaaran oo ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Xafladda furitaanka ayaa waxaa ka qeyb-galay guddoomiyaha golaha aqalka sare, xildhibaano iyo marti sharaf kale.

Sidoo kale waxaa munsaabadda khudbado kala duwan ka jeediyey mas’uuliyiinta ka qeyb-gashay, kuwaas oo diirada saaray xaaladda Galmudug iyo horumarada ay ku tallaabsatay.

Qoor-Qoor oo madasha ka hadlay wuxuu soo hadal qaaday shirikii Dhuusamareeb 3, wuxuuna tilmaamay in aan laga laaban doonin heshiiskii lagu gaaray shirkaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay muhiim tahay in la sii amba-qaado wada-hadallada, si doorashooyinka looga gaaro xal mideysan.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo ay markale madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada ay shir wada-tashi ah dhowaan ku yeelan doonaan M/Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this