Sign in to follow this  
Deeq A.

Cumar Filish oo eedeyn culus u jeediyey madax goboleedyada dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho, Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) oo wariyeyaasha kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa eedeyn culus u jeediyey madaxda dowlad goboleedyada, kadib shirkii Dhuusamareeb 3.

Cumar Filish ayaa sheegay in madaxda maamul goboleedyada HirShabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed ay ka soo hor-jeesteen in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, islamarkaana ay soo jeediyeen in doorashadu ay noqoto mid deegaan.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Madaxweynaha iyo isagu ay ka tanaasuleen go’aankoodii hore ee doorashada, sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dmabeyn wuxuu ku baaqay in laga wada-shaqeeyo danaha guud iyo horumarka dalka, si looga gudbo caqabadaha haatan ka jira Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this