Sign in to follow this  
Deeq A.

Kal-fadhiga labaad ee Baarlamanka Galmudug oo si rasmiya u furmay

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, ayaa xalay si rasmiya Magaalada Dhuusamareeb uga furay Kal-fadhiga labaad ee Golaha Wakiillada  Galmudug.

Munaasabadda Furitaanka Kal-fadhiga Baarlamaanka Galmudug, oo ka dhacday xarunta lagu magacaabo Shiirkole, waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi, Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal, Xildhibaano, Wasiiro, Bulsha rayidka, siyaasiyiin iyo marti sharaf kale.

Khudbado kala duwan ayaa laga jeediyey Furitaanka Kal-fadhiga, waxaana

Guddoomiyaha Golaha Barlamaanka Galmudug Maxamed Nuur, uu  sharraxaad ka bixiyay waxyaabihii u qabsoomay Kal-fadhigii kowaad iyo waxyaabaha u qorshaysan kal-fadhiga furmay.

Madaxweyne Qoor Qoor, oo si rasmi ah u furay Kal-fadhiga Baarlamaanka Galmudug, waxa uu halkaasi ka jeediyay khubad dhinacyo badan kaga hadlay  sida; Amniga, Dib-u-heshiisiinta, Garsoorka, Dhaqaalaha, Maamul wanaagga iyo Arrimaha siyaasadda.

1-33.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 2-22.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 3-16.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 4-14.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 5-13.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 6-9.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 8-9.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Kal-fadhiga labaad ee Baarlamanka Galmudug oo si rasmiya u furmay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this