Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Golaha wasiirada xil-gaarsiinta oo sharci kale ansixiyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirrada ee xukuumadda xil-gaarsiinta Soomaaliya ayaa kulankoodii Khamiis-laha ahaa ee maanta ku ansixiyey hab-raaca hoggaanka hubka iyo rasaasta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Hab-raacan waxaa golaha u soo gudbiyey wasaaradda gaashaandhigga, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay kulanka.

“Hoggaanka hubka iyo rasaasta ciidanka xoogga dalka, ayaa qeyb ka ah hoggaannada muhiimka u ah shaqooyinka CXD, waxaana habraaca maanta la ansixiyay oo qeyb ka ah qorshaha dib-u-habeynta ciidanka uu sare u qaadayaa hufnaanta iyo horumarinta awoodda ciidanka si ay ugu guuleystaan dadaallada xoreynta guud ahaan dalka iyo nabad dhisidda si mawaadiniinta Soomaaliyeed ay u helaan amni buuxa” ayaa lagu yiri qoraalka.

Kulanka waxaa maanta shir guddoominayey sii hayaha xilka Ra’iisul wasaaraha dalka Mahdi Maxamed Guuleed, waxaana qoraalka lagu xusay kulankaas looga hadlay arrimaha kala ah, amniga dalka, xaaladda Coronavirus iyo dayn cafinta.

Hoose ka Daawo wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta.

The post Daawo: Golaha wasiirada xil-gaarsiinta oo sharci kale ansixiyey first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this