Sign in to follow this  
Deeq A.

Waare, Qoor Qoor iyo Lafta Gareen oo shan qodob kasoo saaray shirkii Deni iyo Axmed Madoobe

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Hir-shabelle, Galmudug, iyo Koonfur Galbeed ayaa war-saxaafadeed wadajir ah ka soo saaray shirkii magaalada Garowe ugu soo gaba-gaboobay madaxweynayaasha Puntland Iyo Jubbaland.

War-saxaafadeedkan ayey seddaxda madaxweyne ku taageereen shirkii Garowe ka dhacay ee u dhaxeeyey Saciid Deni iyo Axmed Madoobe, waxayna qoraalkooda ku soo koobeen shan qodob oo kala ah.

1 –Madaxweynayaashu waxay soo dhaweynayaan shirkii wadatashiga ee Puntland iyo Jubbaland ee ka dhacay Garowe 25-kii illaa 26-kii bishan, waxayna bogaadinayaan inay labada dowladood ogolaadeen inay taladooda ku soo biiriyaan habsami u socodkii iyo go’aanadii shirkii Dhuusamareeb-3.

2 –Madaxdu waxay soo dhaweynayaan shir ay yeeshaan dowladda federaalka iyo labada dowlad goboleed ee Puntland iyo Jubbaland, si loo dhameeyo wixii is faham darro ah ee jira, si loo ambaqaado u diyaar-garow doorasho ku dhacda waqtigeeda.

3 –Hir-shabelle, Galmudug, iyo Koonfur Galbeed waxay diyaar u yihiin inay ku biiritaan fekradahooda iyo dadaalkooda juhdi kasta oo lagu gaarayo is faham taam ah iyo xal u helidda caqabadaha taagan.

4 –Madaxdu waxay uga mahad celinayaan dhamaan umadda Soomaaliyeed taageerada iyo dhiiragelinta ay la garab taaganyihiin madaxdooda, si xal waara loogu helo arrimaha taagan.

5 –Madaxdu waxay uga mahad celinayaan xubnaha beesha caalamka ka taageeridda umadda Soomaaliyeed ee dhinacyada amniga, arrimaha bulshada iyo horumarka.

ca2ee67a-6d0b-4007-87cd-fd38f8439140.jpg

The post Waare, Qoor Qoor iyo Lafta Gareen oo shan qodob kasoo saaray shirkii Deni iyo Axmed Madoobe first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this