Sign in to follow this  
Deeq A.

Magacyada,Sawirada & Taariikhda Soomaalida lagu dilay Xasuuqii Labada Masaajid New Zealand inay nolol cusub ka abuurtaan iyaga iyo qoysaskooda.

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaan halkan idin kugu soo koobeynaa magacyada Soomaalidii ku dhintay weerarkaasi. Waxay u tageen New Zealand inay nolol cusub ka abuurtaan iyaga iyo qoysaskooda.

Cabdiqaadir Cilmi

Cabbduqadir Cilmi

Wuxuu ahaa aabbe 70 sano jir ah oo dhalay afar carruur ah. Wuxuu ka yimid Soomaaliya, wuxuuna ka mid ahaa dadkii lagu dilay masaajidka Al Nuur.

Wiilkiisa Saciid ayaa gaaray masaajidka iyadoo uu weerarku socday, ninka hubeysan markii uu arkayna wuu ka cararay goobta.

“Waa arrin naxdin badan leh. Aabbahey wuxuu ka badbaaday dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya. Ma uusan lahayn waxyaabahaasi oo kale ayaa ka dhici kara New Zealand,” ayuu yiri Saciid oo la hadlay wargeyska Washington Post.

Mucaad Ibraahim

Mucaad

Mucaad oo seddax sano jir ahaa ayaa noqday qofkii ugu da’da yaraa ee lagu dilay weerarkaasi.

Wuxuu la socday walaalkii Cabdi iyo aabihii oo labaduba ka badbaaday weerarka.

Walaalkii Cabdi ayaa sheegay in Mucaad uu ahaa “wiil firfircoon, ciyaar badan, oo mar kasta qosoli jiray, aadna u dhoola caddeyn jiray”

Muuse Nuur Cawaale

Muusa Nuur

Muuse Nuur Cawaale wuxuu markii hore ka yimid Soomaaliya.

Xaas ayuu ifka kaga tagay, balse ma uusan dhalin carruur, sida lagu daabacay barta uu internetka ku leeyahay waregeyska Stuff News.

Waxaa la sheegay inuu ahaa macallin darasaadka Islaamiga ah ka bara iskuulka Hagley iyo masaajidka Al Nuur.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this