Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Jubaland Oo Soo Gaba-Gabeeyay Booqashadii Uu Ku Joogay Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa soo gaba gabeeyay booqashadii rasmiga ahayd ee uu ku joogay Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland intii u dhaxaysay 24 ilaa 27 Bishan August 2020.

118645676_1823198391154387_1773053247239  Madaxweynaha ayaa intii uu halkaas ku sugnaa waxaa uu kulamo miro dhal ah la qaatay Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Dani Madaxweyne ku xigeenka iyo Gudoonka Baarlamaanka.

118415421_1822474567893436_3863873221752

Kulamada uu Madaxweynahu la qaatay Masuuliyiinta Puntland ayaa diirada lagu saarayay iskaashiga soo jireenka ah ee u dhexeeya labada Dowladood iyo Arimaha Siyaasada dalka.

118357132_986641098416077_44721362693633

Madaxweynahu wuxuu uga mahad celiyay Masuuliyiinta iyo Shacabka Puntland sidii milgaha lahayd ee ay usoo dhaweeyeen isaga iyo wafdigiisa.

118486547_986641541749366_91548380543990

Sidoo Kale Aqriso Warmurtiyeedkii Ka Soo Baxay Labada Dhinac

Saciid Deni Iyo Axmed Madoobe Oo Guul Iyo Horomar Ku Sheegay Shirarkii Ugu Qabsoomay Garoowe

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this