Sign in to follow this  
Deeq A.

Daagaallo xoogan oo ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaallo u dhexeeyey ciidamada dowladda, kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab oo maanta ka dhacay gobolka Sh/Hoose.

Dagaallada ayaa yimid, kadib markii ay Al-Shabaab weerar ku qaadeen fariisimo ciidan oo ku yaalla agagaarka degmooyinkaa Baraawe iyo Qoryooley ee gobolkaasi.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay dagaalladaasi, waxaana saraakiisha ciidanka dowladda ay shaaciyeen inay ka hortageen weerarada lagu soo qaaday.

Xaaladda ayaa haatan degan, waxaana goobihii lagu diray ku sugan ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM oo howl-gallo ka wada halkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this