Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu yahay u jeedka safarka guddoomiye Cabdi Xaashi ee Dhuusamareeb?

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb ( Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Cabdi Xaashi oo ay wehlinayaan Senataro ka tirsan Aqalka Sare ayaa waxaa garoonka Ugaas Nuur ee magaalada ku soo dhoweeyey guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug, Maxamed Nuur Gacal, xildhibaano, wasiiro Galmudug ka tirsan iyo boqlaal dadweyne ah.

Wararka ayaa sheegaya in u jeedka socdaalka guddoomiye Cabdi Xaashi uu yahay sidii uu uga qeyb geli furtaanka caawa ee Kalfadhiga labaad ee baarlamaanka Glamudug.

Sidoo kale inta uu joogo magaalada wuxuu la kulmo doonaa madaxweynaha Galmudug, isagoo kala hadli doono xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka.

Guddoomiyaha aqalka sare oo muddooyinkii dambe uu khilaaf kala dhexeeyey golaha shacabka iyo villa Soomaaliya ayaa kali ku noqday marka la’eego saaxada siyaasadda, balse lama oga sida ay wax noqon doonaan, maadaama xaaladda dalka ay ka sii dareyso.

Si kastaba ha’ahaatee dhowaan ayey aheyd markii Dhuusamareeb lagu soo gaba-gabeeyey wejiga saddexaad ee shirka wada-tashigda dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, kaas oo lagu caddeeyey nooca doorashada ay dalka ka dhaceyso sanadkan 2020 illaa 2021-ka.

118251968_619971162220906_47500934600197 118581003_619971588887530_51560839225020 118637052_619971268887562_68530514214660 118541118_619971442220878_84208597129535 118547324_619971962220826_60044006720114

The post Muxuu yahay u jeedka safarka guddoomiye Cabdi Xaashi ee Dhuusamareeb? first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this