Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka Oo Dhex-dhexaadinaya Turkiga Iyo Giriigga

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyniyaasha Turkiga Tayyip Erdogan iyo Donald Trump ayaa telefoon kaga wadahadlay xidhiidhka labada dhinac, arrimaha gobolka iyo xiisadda ka taagan badda Mediterraneanka ee u dhexeysa Turkiga iyo Giriiga, sida uu sheegay xafiiska madaxweyne Erdogan.

Xiisadda u dhexeysa Turkiga iyo Giriiga ayaa sare u kacday markii xukuumadda Ankara u dirtay markabkeeda sahminaya biyaha lagu muransan yahay ee bariga badda Mediterranean talaabadaas uu Athenis ugu yeedhay sharci-darro.

Labadan dal oo ka wada tirsan gaashaan-buurta NATO ayaa si weyn isu maan-dhaafay waxayna wada sheeganayaan mulkiyadda kheyraadka ku jira biyahaas oo uu kamid yahay gaas dabiiciga ah, iyadoo muranka labada dhinac uu salka ku hayo qalfoof badeedka ay ku firidhsan yihiin jaziirado Giriigu leeyahay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this