Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda gobolka Banaadir oo markale xukuntay mas’uuliyiin

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta markale xukuno isugu jira xarig iyo ganaax lacageed ku ridday mas’uuliyiin iyo shaqaale ka tirsa dowladda federaalka Soomaaliya.

Xubnaha la xukumay ayaa waxaa ay ka kala tirsan yihiin wasaaraddaha  Warfaafinta, Kalluumeysiga, Maaliyadda iyo milkiiliyaal shirkadeed.

Masuuliyiinta la maxkamadeeyay ayaa waxaa ka mid ah:-

Aweys Xasan Cumar, oo ah xisaabiye ka tirsan waaxda maaliyadda wasaaradda warfaafinta ayaa maxkamaddu ku xukuntay hal sano iyo 6 bilood xabsi ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya 255,25,000 oo shillin Soomaali ah oo u dhiganta $ 1,183 USD.

Khadar Aweys Xasan, waxaa lagu xukumay 3 sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo dhan 295,25,000 oo Shillin Soomaali ah oo lamid ah $ 1,183 USD.

Guuleed Ibraahim Maxamed, oo ah agaasimaha waaxda Maaliyadda wasaaradda Kalluumeysiga waxaa lagu xukumay 10 sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya 59,173,000 oo Shillin Soomaali ah oo u dhiganta $137, 907 USD.

Cali Sheekh Doon Cabdi, oo ah madaxa hubinta xafiiska Xisaabiyaha guud ee dowladda federaalka waxay maxkamaddu ku xukuntay 9 sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo dhan 88,725,000 oo Shillin Soomaali ah isla markaana $3,549 USD, sidoo kale waxaa lagu amray in qasnadda dowladda ku soo celiyo $58,555 USD oo ah lacagtii uu lunsaday.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this