Sign in to follow this  
Deeq A.

“Muddo Hal Bil Ah Oo La Filayay Ama Ay Ahayd In Farmaajo Uu Ku Soo Magacaabo RW Cusub Umay Suurogelin In Uu Ku Soo Magacaabo…” Cali Guray

Recommended Posts

Deeq A.   

Muddo hal bil ah oo la filayay ama ay ahayd in Madaxwayne Maxamed C/llahi Farmaajo uu ku soo magacaabo RW cusub umay suurogelin in uu ku soo magacaabo. Ilaa iyo hadda sababta lama sheegin waxse loo badinayaa in ay noqon karto tartanka oo adag iyo isagoo weli ku jira ka fiirsi shakhsiga uu magacaabayo.


Tartanka adag ka sokow waa suurtogal in ay jiri karaan sababo kale oo saamayn ku yeelan kara tixgelintoodana leh, gaar ahaan marka loo noqdo go’aamadii Shirkii 15/8/2020 ee Dhuusomareeb-3. Ujeedada ugu muhiimsanayd shirku waxay ahayd in uu ka jawaabo laba sua’aalood. Qaabkee ayay doorashadu noqonaysaa? Iyo goorma ayay qabsoomaysaa? Go’aanka shirku wuxu ka jawaabay sua’aasha hore oo keliya ta labaadna kama jawaabin ee weli way taagan tahay.

Waxa la isku hayaa wakhtigeedii waa in ay ku qabsoonto oo aan maalin dib loo dhigin oo mucaaridka qaarkood ay qabaan iyo suurtogal maaha in wakhtigeedii ay ku qabsoomi karto ee waxa loo baahan yahay muddo kordhin qiyaastii aan ka badnayn ee ka yar hal sanno. Hadii la isla qaato tan hore doorashaduna ay xiligeedii noqonayso waxa jira siyaasiyiin iyo dadka qaar aaminsan in aan loo baahnaynba RW cusub ee ku simaha RW uu xilka sii wadi karo muddada yar ee ka hadhsan xiliga doorashada. Hadii tartanku adag yahay magacaabista RW cusubina ay carqaldba ku noqonayso qorshaha Madaxwaynaha laftiisa ama ay ku qaybsamayaan taageerayaashiisa ku kala qaybsan shakhsiga uu magacaabayo taasina hadii shakhsi uun iska magacaabo dabcan ku degdegi maayo, waayo waxa dhici karta in ay ku keeni karto carqalada iyo khilaaf hor leh uu u arko in uu ku luminayo dhinac ama dhinacyo ka mid ah kuwa taageersan aragtidiisa ama qorshihiisa doorashada. Taasi lafteeda ayaa laga yaabaa in sababaha ay ka mid tahay oo ka-fiirsigeeda uu ku daaho ama xataa kaba tanaasuli karo magacaabista RW cusub hadii dibu dhaca doorashadu uu noqdo dhawr bilood.

Soomaalida laba nin oo wada shaxaya, laba shaxyaqaanna ah marka ay xaaladdu mid jiq ku noqoto waxa ku adkaata doorashada godka uu guurayo oo wuxu garanayaa halista ka dambaysa iyo godka ka kale guuri doono. Kolba marka uu god qaad is yidhaa uu ka noqdo, hadana god kale qaad yidhaa ee hadana dhigo ayuu saaxiibkii yidhaa, “FARTU DIIDAYE MA FULAA DHAQAY. Waa guur kii aad qaadaaba kuu daran eh”. Markaa odayga ma jartii baa ku adkaatay ilayn siyaasadduba waa shax oo waa la wada shaxayaaye.

Somalia in kasta oo xaalad adag oo xili doorasho iyo kala guur tahay hadana waxan u arkaa maanta in ay joogto meel fiican oo ka roon halkii shalay iyo doraad ay joogtay. Khilaafka doorashada laftiisuna waa marxalad laga gudbi karo balse u baahan wakhti iyo in danta guud ee la wada leeyahay awgeed la isu tanaasulo si aan dib loogu noqon ee halkaa looga sii ambaqaado horena looga sii talaabsado.

Cali Gurey

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this