Sign in to follow this  
Deeq A.

Aabbe somaliya oo farriin lala fajacay maxkamadda dhexdeeda uga diray cunsurigii dilay wiilkiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

 

abesomali.jpg

Iyadoo ay maanta gashay maalinkii saddexaad ee dhageysiga maxkamadda Brenton Tarran oo muslimiin badan ku laayay sano hore dalkaasi New Zealand ayaa waxaa maanta maxkamadda laga akhriyay qoraal uu soo dhiibay Aabe soomaaliyeed kaas oo wiil yar oo uu dhalay ka mid ahaa dadkii uu laayay ninkan.

Brenton oo u dhashay dalka Australia ayaa aaminsan sarraynta dadka caddaanka ah, waxaana uu 15-kii March 2019, toogasho ku dilay 51 qof oo muslimiin ah kuwaas oo salaad Jimco ku dukanayey masaajiddo ku yaalla magaaladaa Christchurch.

Aabe Aaden Ibrahim Diriye oo qudhiisa ku jiray masjidkii wiilkiisa lagu dilay, balse ilaahay ka bad-baadiyay ayaa qoraalkii uu soo dhiibay oo uu maxkamadda ka hor akhriyay ruux uu soo wakiishay oo qaraabadiisa ah, ka fajiciyay maxkamadda iyo waliba gacan-ku-dhiiglaha.

abesomali2.jpg

” – Waxaad dishay wiilkeyga, waxayna ani iila mid tahay in aad dishay New Zealand oo dhan. Hadda oo ay ku sugeyso ciqaab, waxaa ka daran ciqaabta aakhiro oo ka xanuun badan midda maanta aad mari doonto. Waligey kuuma cafin doono waxa aad ku sameysay wiilkeyga”, ayuu ku yiri qoraalka Aabe Aaden Ibraahim.

Tarrant ayaa lagu wadaa in la xukumo berrito, iyadoona maanta ay ku ekeyd dhageysiga maxkamaddiisa oo ay kasoo qeyb-galeen dhibanayaal bada oo isugu jira dad la dhaawacay iyo kuwo dadkoodii la laayay.

Garsoore Barnaby Hawes ayaa sheegay in Tarrant weerarkaasi sanad ka hor uu qorsheynayey, wuxuuna intaa ku daray ujeeddadiisu iney ahayd “tirada dad ee ugu badan halkaasi inuu ku dilo”.

Wuxuu in muddo ah uruurinayey xogta masaajidda ku yaalla New Zealand, halka ay ku yaalliin, iyo xogaha masaajidda la xiriira si weerarkiisa uu ula beegsado xilli ay masaajidda mashquul yihiin.

Bil ka hor inta uusan ninkaasi weerarka qaadin, wuxuu safar ku tagay Christchurch isaga msaajidka Al Noor oo bartilmaameed u ahaa drone sawirro iyo muuqaallo kaga qaaday.

abesomali1.jpg

Waxaa sidoo kale u qorsheysnaa in uu bartilmaameedsado masaajidka Ashburton si la mi ah masaajidka Al Nuur iyo Machada Islaamiga ee Linwood uu weerarka u geystay.

Tarrant wuxuu booliska u sheegay qorshahiisa inuu ahaa masaajidka marka uu weeraro kaddib inuu dab qabadsiiyo oo gabi ahaanba dhulka la simo.

Tarrant oo 29 jir ah ayaa wajahi doono xukun xabsi daa’im ah, xukunkaasi oo noqonaya mid aan New Zealand horay uga dhicin.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this