Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka degmada Warsheekh oo war ka soo saaray dagaal beeleedyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Warsheekh iyo odayaasha dhaqanka ayaa ku baxay xiisado ka dhashay dagaal beeleedyo ka dhacay duleedka degmadaasi.

Guddoomiyaha golaha deegaanka Warsheekh Xasan Xaaji Darafey oo u warramay Shabelle ayaa sheegay in maleeshiyaadka diriraya ay isku hayaan dhul-daaqsimeed.

Sidoo kale wuxuu baaq u diray maleeshiyaadka labada dhinac inay dagaalka joojiyaan wax welibana ay ku dhammeeyaan wada-hadal.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dagaalladaas ay saameyn ku yeesheen deegaanada ku dhow-dhow Warsheekh, waxaana ka dhacay dilal la xiriira Aano Qabiil.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this