Sign in to follow this  
Deeq A.

Fiqi ”Qodobada shirkii Dhuusamareeb waa heshiis la wada gaaray”

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo u warramay Shabelle ayaa ka hadlay arrimo ku aadan shirkii dhowaan lagu soo gaba-gabeeyey magaalada Dhuusamareeb.

Fiqi ayaa sheegay in shirkii ugu dambeeyey uu ka duwanaa shirarkii hore, islamarkaana lagu wada gaaray heshiis aan laga bixi karin, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in labada maamul ee Jubbaland iyo Puntland oo ka maqnaa shirkaas ay ku dhacday arrimo farsamo, balse heshiiska uu yahay mid rasmi ah.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan Axmed Madoobe iyo Siciid Deni shir u gaar ah ay ku leeyihiin magaalada Garoowe ee caasimadda dowlad goboleedka Puntland.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this