Sign in to follow this  
Deeq A.

Hooyo meydkeeda laga helay Cunugeeda oo baahi  la il daran agtiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Hooyo meydkeeda laga helay Cunugeeda oo baahi  la il daran agtiisa

A photo of Mercy Baguma
Ms Baguma is believed to have lost her job when her right to work expired

Baadhitaan ayaa lagu sameynayaa dhacdo ku saabsan geerida hooyo meydkeeda laga helay meel uu yaallau cunigeeda oo lagu soo warramay in ay markaas nafaqo darro aad u xun heysay.

Mercy Baguma, oo asal ahaan kasoo jeedday waddanka Uganda, ayaa meydkeeda Axaddii ay bishan August 22 ahayd laga helay guri ku yaalla magaalada Glasgow.

Markii ugu horreysay ee lagu baraarugay waxaa la maqlay oohinta cunugeeda.

Afhayeen u hadlay booliska ayaa sheegay in geerideeda ilaa hadda aan la garaneynin sababta keentay, laakiin wax shaki ah uusan ku jirin in la weeraray.

Hay’adda ka shaqeysa arrimaha qaxootiga iyo gurigeynta ayaa sheegtay in Ms Baguma ay dalbatay magangalyo, ayna ku nooleyd “xaalad aad saboolnimo u ah”.

Waxay hay’addu intaas ku dartay in haweeneydan ay shaqadeeda weysay kaddib markii uu ka dhacay oggolaanshihii shaqo ee gudaha UK.

Wiilkeeda yar ayaa goobta uu meydkeeda yaallay laga helay isagoo oynaya, “tabardarrana ka qaaday baahi heysay dhowr maalmood”, sida ay sheegtay Robina Qureshi, oo ah agaasimaha hay’adda samafalka ah.

Wiilka ayaa loo qaaday isbitaalka, waxaana laga saaray 24-kii isla bishan August, isagoo hadda la nool aabihiis.

Xaalad musiibo ah

Hay’adda samafalka ah waxay sheegtay in Ms Baguma ay iyaga lasoo xidhiidhtay dhowr isbuuc ka hor, xilligaas oo ay u sheegtay in aysan heysanin lacag ku filan nolosheeda iyo tan cunuggeeda.

Hay’ad kale oo samafal ah, oo lagu magacaabo African Challenge Scotland, ayaa baraha bulshada ku shaacisay muuqaal laga arkayo Ms Baguma oo u mahadcelineysa shaqaalaheeda isxilqaamka sameeya oo raashin gurigeeda ugu geeyay horaantii bishii June.

@acscotland volunteers provided a food parcels to Mercy Baguma on Saturday 06/06/2020. Very sad news.May her soul rest in peace @AnneMcLaughlin @CllrGrahamC @BobDorisSNP @LordProvostGCC @ng_homes @TNLComFundScot @RefugeeSurvival @scvotweet @scotgov @policescotland @NatEmergTrust pic.twitter.com/R49ZXgtt5z

— africanchallengescot (@acscotland) August 25, 2020

Afhayeen u hadlay waaxda arrimaha dadweynaha ayaa yidhi: “Tani waa xaalad musiibo ah, waxaana tacsi u direynaa qoyska Ms Baguma.”

Wuxuu intaas ku daray: “Xafiiskeennu wuxuu si dhab ah u qaaday mas’uuliyadda dhammaan dadka magangalyo doonka ah, waxaana baadhitaan buuxa ku sameyn doonnaa kiiska Ms Baguma.”

Saxiibbada iyo qaraabaha haweeneydan ayaa walwal dareemay kaddib markii ay wax xidhiidh ah ka waayeen maalintii Talaadada ahayd ee 18-kii bisha.

Ms Qureshi waxay tidhi: “Maxaa hooyooyinka iyo carruurta magaalada looga tagay iyagoo baahan, maxaase hay’adaha samafalka iyo dadka isxilqaama loogu daawayay inay iyaga toosiyaan wax walba oo halleysan?”

Iyadoo hadalkeeda sii wadata ayey intaas raacisay: “Hooyadan ma noolaan lahayd haddii aan shaqadeeda laga soo eryi lahayn, oo uusan saameyn lahayn nidaamkan qallafsan ee warqad oggolaansho ah darteed kaaga hor istaagaya inaad shaqeyso si aad noloshaada u maareysid? Waan hubaa in Mercy wiilkeeda uu su’aashan iyo kuwo kaleba la imaan doono marka uu weynaado.”

Baaq ku aaddan in baadhitaan la sameeyo

Hay’adda samafalka ah ee ay ka howl gasho Ms Qureshi ayaa sheegtay in geerida Ms Baguma ay tahay tii ugu dambeysay ee ku dhacday qaxootiga Glasgow muddo ka yar afar bilood gudahood.

Hal nin ayaa toogasho lagu dilay kaddib markii uu toorri la dhacay lix ruux oo uu ku jiro askari boolis ah, wuxuuna falkaas ka dhacay Park Inn, Arbacadii ay taariikhdu ku beegneyd 26-kii bishii June.

Billowgii bishii May, nin qaxooti ah oo u dhashay Suuriya, oo da’diisa lagu sheegay 30 sano ayaa meydkiisa laga helay qof uu ka dagganaa hoteel uu si ku meel gaadh ah u joogay oo ku yaalla Glasgow. Ninkaas ayaa lagu magacaabi jiray Adnan Walid Elbi.

Jen Layden, oo arrimaha xuquuqda aadanaha iyo sinnaanta u qaabilsan maamulka Glasgow, ayaa tidhi: “Geerida musiibada ah ee hooyada da’da yar waa mid aad u xanuun badan, waana u tacsiyeynayaa qoyska iyo saaxiibbada Mercy – oo uu ku jiro wiilkeeda – xilligan murugada badan.”

“Hadda waxaa isku dayeynaa inaan ogaanno dhammaan xaqiiqooyinka ku saabsan kiiska Mercy, waxaana xog dheeraad ah ka sugeynaa waaxda arrimaha dadweynaha.”

Hay’adda “Positive Action in Housing” oo ka howl gasha Glasgow, ayaa mar kale ku celisay baaqeeda ku aaddan in baadhitaan madax-bannaan lagu sameeyo arrimaha la xidhiidha hoyga dadka magangalyo doonka ah, xilligan uu socdo cudurka safmarka ah ee coronavirus

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this