Sign in to follow this  
Deeq A.

Degdeg:Ninkii 51 qof ee Muslimiinta ah ku xasuuqay Labada Masaajid ee News Zealand oo xukun lagu riday 

Recommended Posts

Deeq A.   

Ninkii 51 qof ee Muslimiinta ah ku xasuuqay Labada Masaajid ee News Zealand oo xukun lagu riday

gaal.jpg

Maxakamad ku taalla New Zealand ayaa xukun ku ridday ninkii 51-ka qof ku laayay labada misaajid. Waxaa lagu xukumay xabsi daa’in oo aan sideyn sharafeed lahayn. Waa qofkii ugu horreeyay ee taariikhda dalka New Zealand soo mara xukunkan.

Ninkan oo ka soo jeeda dalkaasi Australia ayaa horay u qirtay dambiga ah inuu dilay 51 qof, isagoo sidoo kalana isku dayay inuu weerarkiisa saddexaad ku dilo 40 qof oo kale.

Xaakimka ayaa ficilladiisa ku tilmaamay kuwa “bini’aadanimada ka baxsan” Waxa uuna intaasi ku daray inusan muujin “naxariis yar xitaa.”

Weerarkaasi ayaa ahaa mid dunida oo dhan ka argagaxday, kaasi oo dhacay 15-kii bishii Maarso ee sannadkii la soo dhaafay. Weeraka ayaa waxa uu New Zealand u horseeday in la soo rogo sharci adag oo ka dhan ah hubka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this