Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogtii u dambaysay ee Shirka Garoowe uga socda Puntland iyo Jubaland

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa Caawa la soo geba-gabaynaya Shirka Madaxda Puntland iyo Jubaland uga socda Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland.

Shirka oo saacadihii u dambeeyay cadaadis xooggan kala kulmay Beesha Caalamka, gaar ahaanna Safiirka Maraykanka u qaabilsa Soomaaliya, ayaa lagu wadaa in laga soo saaro War-murtiyeed lagu diiddanyahay Qodoba kamid ah Heshiiskii Dhuusamareeb 3.

Safiirka Maraykanka iyo xubno ka tirsan Beesha Caalamka, oo maalmihii u dambeeyay dadaal ku bixinayay in ay dhex-dhexaadiyaan Puntland iyo Jubaland oo isku mowqif ah iyo Villa Somaliya, ayaa dhinacyada cadaadis ku saaray in ay mar kale wada-xaajood bilaabaan, si loo dhammeeyo Tabashada Deni iyo Axmed Madoobe ka qabaan Heshiiskii Dhuusamareeb 3.

Dhex-dhexaadintii Beesha Caalamka waxa ka dhalatay, in Deni iyo Axmed Madoobe lagu qanciyo in ay tegaan Magaalada Muqdisho, islamarkaana Beesha Caalamku gar-wadeen ka noqoto Wada-xaajoodka labada dhinac.

Ugu dambeyntii waxaa Caawa lagu ballamay in Talaadada soo socota oo ku beegan 1-da September ay Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ka degaan Magaalada Muqdisho, si loo bilaabo Wada-xaajoodka Arrimaha Doorashada 2020/2021.

Deni iyo Axmed Madoobe, waxay Xerada Xalane Kulan gaar ah kula qaadan doonaan Safiirka Maraykanka Donald Yamamoto sidoo kale waxa xigi doona Kulan u dhexeeya iyaga iyo Farmaajo, kaas oo diiradda lagu saari doono Tabashada Puntland iyo Jubaland.

Kulamadaas kadib, waxaa Muqdisho si rasmiya uga furmi doona Shir u dhexeeya Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka oo lagu turxaan-bixin doono Heshiiskii Dhuusamareeb 3 oo Puntland iyo Jubaland ka maqnaayeen.

Waxaa xusid mudan, in Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe uu Maalinta Berriya dib ugu laaban doono Magaalada Kismaayo, si uu Wada-tashi ula soo sameeyo Golayaasha Maamulkiisa, ka hor inta uusa Muqdisho u dhoofin.

PUNTLAND POST

The post Xogtii u dambaysay ee Shirka Garoowe uga socda Puntland iyo Jubaland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this