Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo ka tacsiyeeyey geerida Xildhibaan Daa’uud Nuur

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan shacabka Puntland iyo kan Goleyaasha Dowladda ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee Xildhibaan Daa’uud Nuur Muuse oo maanta ku geeriyoodey dalka Turkiga.

Alle naxariistii Janno haka waraabiyee Marxuum Daa’uud Nuur Muuse waxa uu ka mid ahaa Mudanayaasha Golaha Wakiillada Puntland ee hadda. Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si gaar ah uga tacsiyeeyey geerida Marxuumka shacabka Puntland, Golaha Wakiillada Puntland, Guddoonka Golaha Wakiillada, ehelkii, qaraabadii, qoyskii iyo asxaabtii uu ka baxay marxuumku, waxa uu Alle “SWC” uga baryey marxuumka inuu ku abaal mariyo Jannatul Fardawsa, dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, samir iyo iimaanna kasiiyo dhammaan eheladiisii.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this