Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada amniga Gaalkacyo gacanta ku dhigay Maan-dooriyeyaal

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada amniga magaalada Gaalkacyo ayaa gacanta ku soo dhigay Maandooriyayaal si sharci darro ah looga ganacsanayay xaafado ka tirsan magaalada

Howlgalkaan oo qayb ka ah qorshaha xoojinta amniga iyo nabad gelyada gobalka Mudug waxaa si wadajir ah u fuliyay ciidamada Booliiska iyo Nabad sugida gobalka Mudug, isagoo xalay ka dhacay xaafado ka tirsan  magaalada Gaalkacyo.

Ciidamada oo sameeyay xog uruurin iyo baaritaanno ayaa waxaa u suurtagashay inay gacanta ku soo dhigaan waxyaabaha maanka dooriya oo ay ka mid yihiin Qamri iyo Xashiish aad u farabadan, oo si sharci darro ah lagu soo galiyay magaalada Gaalkacyo.

Taliyayaasha qaybta Booliiska iyo nabad sugidda gobalka Mudug.Gaashaanle Sare Cabdirasaaq Maxamuud Sheekh Yuusuf (Faracadde) iyo Gaashaanle dhaxe Qaasim Shirdoon Cali ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in ciidamada amniga ay ku guuleysteen inay waxyaabaha maanka dooriya

Sidoo kaleTaliye ku xigeenka ciidanka Booliska Galmudug Gaashaanle Sare Maxamed Nuur Cali  ayaa isna xusay in Qamriga iyo xashiishku ay yihiin kuwa qeyb ka qaata amni darada iyo falalka dhaqan xumida ah ee mudooyinkaan dambe ku soo kordhay Gaalkacyo.

Ugu danbayntii Guddoomiyaha Gobalka Mudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye Isxal ayaa bogaadiyay kaalinta ciidamada Booliska iyo  Nabad sugidda ay ka qaataan xoojinta amniga Gobalka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this