Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo oo Noqday Madaxweynihii ugu horreeyey ee Somalia xukuma ee jebiyay soo jireen dastuuri ahaa 

Recommended Posts

Deeq A.   

 Farmaajo oo Noqday Madaxweynihii ugu horreeyey ee Somalia xukuma ee jebiyay soo jireen dastuuri ahaa

 farmaajo-7-300x218.jpg

Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo haatan ku sugan Dhuusamareeb ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimo ku aadan magacaabista Ra’iisul wasaaraha dalka.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa ka hadlay arrimo Dastuuri ah, sida muddada magacaabida Ra’iisul wasaaraha iyo nidaamka 4.5, wuxuuna sheegay in labaduba aysan ku qorneyn Dastuurka,balse ay yihiin kuwa curfi iyo soo jireen.

”Dastuurka qodobbadiisa kuwana waa qoran yihiin, kuwa waa curfi iyo soo jireen. Tusaale ahaan, awood qaybsiga 4.5 ma aha qodob dastuuri ah oo qoran,” ayuu CC Shakuur.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Farmaajo uu noqday Madaxweynihii ugu horreeyey ee jebiya soo jireen dastuuri ahaa, maadaama illaa iyo hadda uusan macagaabi Ra’iisul wasaare, iyadoo ay ku qaaday in ka badan 30 cisho, welina uusan ku laaban baarlamaanka.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in Madaxweyne Farmaajo uusan aqbali karin xilligan inay dhammaatay afartii sano ee muddo xileedkiisu ahaa, balse wuxuu u soo jeediyey inuu magacaaba Ra’iisul wasaare dalka ka bixya marxaladda adag ee haatan lagu jiro.

Dastuurka qodobbadiisa kuwana waa qoran yihiin, kuwa waa curfi iyo soo jireen. Tusaale ahaan, awood qaybsiga 4.5 ma aha…

Posted by Abdirahman Abdishakur Warsame on Wednesday, 26 August 2020

Hadalka siyaasgan ayaa ku soo aadaya, xilli weli Villa Soomaaliya looga fadhiyo magacaabida Ra’iisul wasaare cusub oo bedalaya Mudane Xasan Cali Khayre oo si lama filaan ah bishii la soo dhaafay ay ku rideen xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this