Sign in to follow this  
Deeq A.

HirShabelle oo u diyaar garoobeyso doorashooyinka maamulkaasi

Recommended Posts

Deeq A.   

Afhayeenka maamulka HirShabelle, Daa’uud Xaaji Cirro oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay u diyaar garoobeen qabashada doorashooyinka maamulkaasi.

Daa’uud ayaa carabka ku dhuftay in aysan doorashadu dib uga dhici doonin waqtigii loo asteeyeym, taas oo isugu jirta mida Madaxweynaha iyo baarlamaanka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ololaha doorashada ay si rasmi ah u bilaaban doonaan bisha soo socota ee September.

Doorashada ayuu sheegay inay noqon doonto mid dimuquraadi ah, una dhaceyso si xor iyo xalaal ah, sida uu hadalka u dhigay.

HirShabelle ayaa haatan wajaheysa caqabad waa weyn oo ay ugu daran yihiin dhaqaalaha iyo amniga deegaanada maamulkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this