Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo u diyaargaroobaysa tartanka gobollada, xilli ay dayacan yihiin garoomada kubbadda

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Cayaaraha Puntland ayaa shaacisay inay diyaarinayso qabashada tartanka kubbadda cagta ee gobollada.

War ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu wargeliyay guddoomiyaasha dhallinyarada iyo cayaaraaha gobollada Puntland inay u diyaargaroobaan tartanka guud ee gobollada, ayna soo xulaan xulkii matali lahaa gobol kasta.

Sidoo kale maamulada dhallinyarada iyo cayaaraaha gobollada Puntland ayaa la faray inay sameeyaan ciyaaro saaxiibnimo oo loogu gogol xaarayo tartanka gobollada Puntland.

Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Cayaaraha Puntland ma sheegin xilliga rasmiga ah ee la qaban doono tartanka kubbadda cagta ee gobolada.

Warka Wasaaradda Cayaarada Puntland ayaa ku soo aadaya, iyadoo dayac xooggan ka muuqdo garoomada kubbadda cagta Puntland, ayna muuqan garoon lagu qaban karo tartankaas.

Qabashada tartanka kubbadda cagta ee gobollada Puntland waxaa ugu dambeysay 2014, markaas oo ku guulestay gobolka Nugaal.

tartanka-gobolada-Puntland.jpg?resize=76

PUNTLAND POST

The post Puntland oo u diyaargaroobaysa tartanka gobollada, xilli ay dayacan yihiin garoomada kubbadda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this